Xoogag

wel come somalidutch media

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid “Xoogagga naga soo horjeeda waxay doonayaan inay dalka qabsadaan, islamarkaana ay gacanta u geliyaan shaqsiyaad .

   

Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo kooxaha Mucaaradka ah, wuxuuna sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay doonayaan inay dalka xoog kula wareegaan.
Xoogagga naga soo horjeeda waxay doonayaan inay dalka qabsadaan, islamarkaana ay gacanta u geliyaan shaqsiyaad u dhashay dalal kale” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo wareysi siinaayay Wakaalado warar, wuxuuna sheegay inay marar badan ay ugu baaqeen kooxaha ka soo horjeeda Doqladda inay yimaadaan miiska wadahadalka, balse ay yihiin kuwo diidan in xalka Soomaaliya lagu dhameeyo wadahadal.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in Dowladiisa ay ka go’an tahay inay mar walba u taagnaato sidii arrimaha Soomaaliya loogu dhamayn lahaa qaab wadahadal ah, “Al-Shabab maba oga in Calanka uu yahay mid u taagan Astaantii qaranka Soomaaliya, islamarkaana ay dalkaani leedahay Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya.
Majirto sabab aan kula hadlno kooxda Al-shabaab oo aaminsanayn Qaranimo Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay wax ka badaleen isticmaalka dhaqaalihii kasoo xaroon jiray dekeda iyo garoonka diyaradaha Muqdisho, ayna dhistay Banki dhexe oo lacagtaas lagu shubo.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashiid wuxuu sheegay in xukumadiisu ay markii ugu horeysay dajisay miisaaniyada dalka, inta badan dhaqaalahaasna lagu bixin doono dhismaha iyo mushaaraadka ciidamada qaybahooda kala duwan.

somalidutch

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *